Kilde: Astma og allergiforbundet

 

Kulaylka sarreeya iyo qabowga xoogga leh ayaa dila caarada. Maalmaha uu jiro qabowga xoogga leh (-15 ilaa -20 ºC), ayaa furaashyada lagu wadhi karaa meel debed ah hal maalin iyo habeenkeed, isla markaana la hurgufayaa inta aan la soo xeraynin. Caaradu sidoo kale uma adkaysato haddii gogosha lagu maydho 60 ºC.
Waxa sariirta lagu goglaa gal gaar ah oo loo yaqaano galka caarada, waana hab sariirta looga ilaalin karo walxaha ”allergener”ka. Galka caaradu waxa uu gogosha ka ilaalinayaa caarada, laakiin dhidhidka qofka ayaa ka dhex dusaya go’a . Furaashka, barkinta iyo bustaha waxa lagu goglayaa galka shabaqa ah ee caarada, galka dushiisana waxa la gelinayaa gogol sariireed oo caadi ah.
U celinta kharashka galka caarada:
Carruurta da’adoodu ka yar tahay 16 sano ee ay sugan tahay in ay xasaasiyad ku leeyihiin caarada, waxa la siin karaa kaalmo hal mar ah oo ay iskaga daboolaan kharaska kaga baxa soo gadashada galalka celiya caarada ee furaashka iyo barkimada. Kharashka galka furaashka si buuxda ayaa loo dabooli karaa qiimaha ku siman ilaa 1.276,25 kr. oo ay ku jirto cashuurta dowladda ee ”mums” ku, galka barkimada isna waxa la dabooli karaa qiimo ku siman 255,25 kr. Galalkani waa in ay noqdaan kuwo ay aqoonsadeen Ururka Xiiqda iyo Xasaasiyadda ee Norway ”Norges Astma- og Allergiforbund”. Ilaa hadda waxa la aqoonsan yahay oo keliya galalka ay samayso Shirkadda ”Sleep Scandinavia, tel. 67 11 03 17 ay dadka kula taliso NAAF .
Galalkan waa in uu kuu qoraa qof takhasus u leh arrintani, isla markaana waa in aad adigu iska sii bixisaa marka hore. Caddaynta in uu qofku xasaasiyad ku leeyahay caarada, iyo rasiidhkii lagu iibsaday galalka waa in loo geeyaa xafiiska caymiska dadweynaha (trygdekontoret) si uu kuugu soo celiyo. Waxyaalaha lagula dagaalamo caarada ka dhalata dhaska guriga natiijadiisu aad ayay u raagtaa oo hore raad uma samayso (weliba 100 % looguma guulaysto). Arrintu si kastaba ha ahaatee waa in aan lagu fekerin in hawlgallada ka hortagga xasaasiyadda caarada lagu bedelan karo daawo la qaato iyo in hawlgalladan lagu lammaaneeyo daawo la qaato.

Waa maxay caaradu?                  
Caarado waa cayayaan yar oo cabbirka dhererkeedu le’eg yahay 0,2 ilaa 0,3 mm. Waxa ay leedahay 8 lugood, waxana ay isku dir yihiin kutaanta iyo caaro weynta. Marka laga reebo iyada oo dadka ku kicisa xasaasiyad, ma laha wax turxaan ah oo kale oo ay dadka u geysato. Waxba ma qaniinto, mana fidiso xanuunada la is qaadsiiyo. Waxa ay quudataa toxobta dadka iyo xayawaanka, qaar ka mid ahina waxa ay quutaan dhaska daqiiqda. Caaradu waxa ay noolaataa midkiiba hal bil keliya, laakiin caarada dheddig ayaa halkii mar dhigta 20-30 beed ah (ukunood), arrintan oo keenta in ay dhashaan guuto dhan oo caaro ah haddii deegaanku u fiican yahay oo ku habboon yahay. Norway waxa ay caaradu ugu badan tahay inta u dhexaysa november – February, waana xilliga aynu wakhtiga intiisa ugu badan ku qaadano guriga dhexdiisa. Marka laga reebo xayawaan ku haysashada guriga, caaradu waa waxa ugu badan ee keena xasaasiyadda xilliga ka baxsan xilli maneenda (pollen sesongen).            
 Xaggee laga helaa caarada?
Caaradu waxa ay joogtaa oo ka heshaa meesha ay ka helayso cunto ku habboon, heerkul ku habboon iyo ruduubad sarraysa (50 -80 %). Dadka oo dhan waxa gogosha kaga hadha toxob badan oo jidhkooda ka daadatay oo cunto u noqon karta kumanaan caaro ah jiilal kala dambeeya. Sidaa darteed ayaa caaro badan laga helaa qolka hurdada, inta ugu badanina waxa ay gashaa dharka gogosha, furaashyada iyo sariirta gunteeda. Caaradu marka ay is dhalayso waxa ay ku noqotaa furaashka iyo sareerta gunteeda, halkaas oo ay kaga tagto ukun badan. Waxa kale oo ay aad u jeceshahay qadiifadaha ku goglan qolka hurdada.
Tilmaamahee lagu gartaa xasaasiyadda caarada ka dhalata?  
Xasaasiyadani waxa ay inta badan qofka ku dhalisaa xiiq iyo/ama dhibaatooyin kale oo xoog leh oo ay weheliso san xidhan iyo duuf sanka ka socda. Xasaasiyadda indhaha iyo qaybo ka mid ah cambaarta maqaarka ee loo yaqaano (atopisk eksem) ayaa ka sii dari kara haddii uu qofku la kulmo caarada ka dhalata dhaska guriga. Carruurta ayaa ugu daran. Haddii ay xasaasiyadani qofka ku xoogaysato, waxa ay dhibaato soo gaadhaysa xuubka xabka (slimhinnen) ee indhaha iyo sanka iyo weliba dhuumaha hawomareenka iyo shacabaleyda ”bronkie”. Markaa qofku wuu u debcayaa, xasaasiyaduna way ku kacaysaa mar kasta oo uu dareemo dhas iyo ur.
Xaggee ku dhalataa caaradani:
Xasaasiyadda caaradu waa dhibaato caafimaad oo caalami ah. Baadhitaan laga sameeyey waddamo badan ayaa caddeynaya in caarada dhaska gurigu ay tahay sabab ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee guriga ee dhaliya xasaasiyadda. Ilaa hadda waxa jira baadhitaano aqooneed oo tiro yar oo lagu ogaan karo
arrimaha ku saabsan xasaasiyadda ka dhalata caarada dhaska guryaha ee Norway.Hawlgalada ka hortagga xasaasiyada ka dhalata caarada:
Haddii la xaqiijiyo in qof qabo xasaasiyad kaga kacda caarada, waxa ay arrinta ugu muhiimsan ee lagaga gaashaaman karo xasaasiyaddani noqonaysaa in deegaanka qofku ku nool yahay laga yareeyo caarada. Inta ugu badan way adag tahay guri laga wada cidhib tiro caaro. Habka ugu fiican ee caarada guriga looga yarayn karaa waa iyada oo la kordhiyo hawo soo gelinta guriga, la yareeyo dhaska guriga ku jira (arrintan waxa lagu fulin karaa iyada oo derbiga aan la qabadsiin qadiifadaha, sariiraha iyo qalabka kale) isla markaana la adeegsado huufar casri ah oo leh farsamada ”HEPA” ama ”mikrofilter”.


Kilde: Astma og allergiforbundet